Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dhageysi ku Saabsan Muslimiinta Maraykanka


USA: Dhageysi ku Saabsan Muslimiinta Maraykanka
USA: Dhageysi ku Saabsan Muslimiinta Maraykanka

Qeybta Amniga Qaranka ee Kongoreeska Maraykanka ayaa maanta dhageysanaya dood ku saabsan xag-jirnimada ka dhex jirta Jaaliyadda Muslimka

Guddi ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Kongreska Mareykanka ayaa goor dhow bilaabaya dhageysi khilaafaad badan dhalshey oo ku saabsan heerka ay gaadhsiisantahey xag-jirnimada beesha Muslimiinta ee Mareykanka.

Guddi-hoosaadka Aqalka Kongareska ee nabad sugista qaranka ayaa ku ballansan in ay goor dhow dooddooda dhageystaan; dad uu ka mid yahey Mr Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ahana xildhibaankii ugu horeeyey ee Muslim ah ee ku biira Kongarerska Mareykanka.

Waxa kale oo hadalkooda la dhageysan doonaa qaar ka mid ah qoysas Soomaali ah oo ay ka soo jeedaan dhalinyaro la sheegey iney xag-jirnimo u hiiliyeen.

Guddoomiyaha guddiga dhageysigan qabanqaabiyey, Peter King oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegey in dhageysigan uu yahey mid muhiim u ah baaritaanno loo sameeyo cabsigalin dhab ah oo saran ammaanka guud ee qaranka Mareykanka.

Waxa uu Mr King sheegey inuusan u jixin-jixeyn kuwa naqdinaya dhageysaga maanta ee la qorsheeyey.

Xildhibaan Keith Ellison oo ka mid ah dadka ka soo horjeeda dhageysigan diiraddad lagu saarayo xagjirnimada lagu xiriirinayo Muslimiinta Mareykanka, ayaa ka walaacsan in arinkani uu noqdo mid gooni u faqooqa baaritaan lala yeesho diinta Muslimka oo Mareykanka looga tira badan yahey.

Tirada Muslimiinta Mareykanka ku nool ayaa lagu qiyaasaa 7 malyuun oo ruux.

Mr King, xildhibaanka Kongreska ee xisbiga Jamhuurigu waxa kale uu sheegey in madaxda Muslimiinta Mareykanku aysan iskaashi u muujinin ciidamada nabad ilaalinta si ay u soo wargaliyaan xarakaadka laga shakiyo.

Hasayeeshee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Eric Holder ayaa arinkaas Mr King ku khilaafsan, waxana xeer ilaaliyuhu sheegayaa in beesha Musiliimnta Mareykanku ay qeyb muhiim ka qaateen ka hortagga shirqoollo dhici lahaa haddii aysan iyagu soo sheegin.

XS
SM
MD
LG