Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dhageysiga Congresska ee Xaaladda Somalia


USA: Dhageysiga Congresska ee Xaaladda Somalia
USA: Dhageysiga Congresska ee Xaaladda Somalia

Congress-ka Maraykanka ayaa shalay dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha siyaasadda, Amniga iyo burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Congresska Maraykanka ayaa maalintii shalay ahayd waxaa ka dhacay dhageysi ku saabsanaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo cawaaqibka ay keeni karto dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Dhageysigan la xiriiray xaaladda dalka Soomaaliya ee shalay ka dhacay aqalka Congresska Maraykanka, waxaa ka qeybgalay xubno kala duwan oo ka kala socday Senate-ka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ah ee USAID.

Waxaana xubnihii ka hadlay dhageysigaasi ay warbixinno ka soo gudbiyeen xaaladaha siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada, burcadbadeedda iyo bani’aadamtinimada dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG