Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaawacyo Dagaalka Beledxaawo oo Mandheera la geeyay


Dhaawacyo Dagaalka Beledxaawo oo Mandheera la geeyay
Dhaawacyo Dagaalka Beledxaawo oo Mandheera la geeyay

Waxaa degmada Mandheera ee dalka Kenya la geeyay dad ku soo dhaawacmay dagaalka degmada Beledxaawo ka dhacay.

Dad ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa la dhigay isbitaalka degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Barakac baaxad leh ayaana ka jira degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisado colaadeed ka jireen.

Baladxaawo waxaa ku dagaalamay maleeshiyada kooxda al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan dowladda KMG ah oo dhinaca Doolow ka yimid.

Waxaana lagu soo warramayaa in inka badan 20 ruux ay ku dhimatay dagaalkaasi oo labada dhinac ka kala tirsan.

Gacan ku haynta degmada Baladxaawo waxaa isaga kala dambeeyay ciidamada dowladda taabacsan iyo maleeshiyada kooxda al-Shabaab oo mid kastaa markeeda qabsatay.

Dagaalkii ugu dambeeyay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Baladxaawo waxa uu sababay gubasho iyo khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

XS
SM
MD
LG