Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaawaca Xildhibaanno oo Nairobi la Geeyay


Dhaawaca Xildhibaanno oo Nairobi la Geeyay
Dhaawaca Xildhibaanno oo Nairobi la Geeyay

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday Nairobi ay yihiin kuwo halis ah.

Dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi u daadgureysay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo iyagu ku dhaawacmay Qaraxii shalay loo geystay Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa VOA u sheegay in dhaawacyadaasi ay yihiin kuwo halis ah oo dalka aan wax looga qaban karin.

Cali C/qaadir Macalim, Cali Maxamuud Cabdi iyo Axmed Maxamed Sheekh Maxamuud, waxay ka mid ahaayeen 11 qof oo maanta laga qaaday magaalada Muqdisho si loogu soo daweeyo magaalada Nairobi.

Ugu yaraan afar xildhibaan ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxii shalay ay kooxda al-Shabaab u geysatay Hotel Muna, kuwaasoo uu wasiirku magacyadooda ku sheegay Maxamed Xasan Maxamuud Nuur, Geedi Cabdi Gadiid, Buulle Xasan Macalim iyo Idirs Muuse Cilmi.

XS
SM
MD
LG