Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaawaca AMISOM oo loo Qaaday Nairobi


Dhaawaca AMISOM oo loo Qaaday Nairobi
Dhaawaca AMISOM oo loo Qaaday Nairobi

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in askar ka dhaawacantay loo qaaday Nairobi.

Dhaawaca 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Uganda ee xoogaga Nabad-ilaalinta AMISOM oo talaadadii ay waxyeelo kasoo gaartay madfac kula dhacay xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa shalay loo duuliyay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Askartan ayaa la dhigay cusbitaal si halkaasi loogu daweeyo kadib markii dhaawacooda wax looga qaban waayay cusbitaal ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho.

Waxaana sidaasi ku xalay ku dhawaaqay af-hayeenka AMISOM, Barigye Ba-Hoku oo u sheegay wargeyska New Vision ee ku hadla afka dowlada Uganda.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee sideedaasi askari.

Afhayeenka ayaa dhinaca kalena sheegay in Magaalada Kampala ay ka socoto qaban-qaabada aaska afar askari oo u dhashay isla dalka Uganda oo sidoo kale talaadadii ku geeriyooday gudaha madaxtooyada Somalia adib markii halkaasi kula dhacay madfac ay kusoo rideen kooxaha mucaaradka ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso.

Dhinaca kale, waxa uu afhayeenku sheegay in dagaaladii Muqdisho ka dhacayay dhowaanahan ay guul ka gaareen, isagoo xusay iney deegaano badan kaga qabsadeen kooxaha mucaaradka.

XS
SM
MD
LG