Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diini oo ka Haday Doorka Ciidamada Ethiopia


Ciidamada Ethiopia oo jooga Muqdisho (File Photo)
Ciidamada Ethiopia oo jooga Muqdisho (File Photo)

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdulqadair Sheekh Cali Diini, ayaa beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM ay joogaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, jeneral Cabdulqadair Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM ay joogaan dalka Soomaaliya.

Taliyaha Qaybta 4-aad ee AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan korneel Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa wareysi uu siiyey VOA-da markii ugu horraysay ku qiray in qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya aysan ka tirsanayn ciidamada AMISOM.

Wasiirka oo wareysi isna siiyey idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inay dhici karto in ciidamada Amisom ee ka socda dal ay caawimaad weydiistan ciidamada kale ee dalkooda ee aan qeybta ka ahayn AMISOM, taasina aysan wax dhib ah ku jirin.

“Intaan ogahay way dhici kartaa in ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya ay caawimaad weydiistaan ciidamada kale ee dalkooda ama dowladdooda, haddii ay la kulmaan xaalad culus, mana la dhihi karo xiriir ha la sameynina” ayuu yiri wasiirka.

Wareysi uu Xuseen Barre Aadan la yeeshay wasiirka hoos ka dhageyso.

Wareysiga Wasiirka Gaashaandhigga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00
XS
SM
MD
LG