Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Seattle oo la dagaalamaya Shiishadda


Baar lagu cabo Shiishada
Baar lagu cabo Shiishada

Mujtamaca dadka ka soo jeeda Bariga Dhexe iyo Bariga Africa oo ay Soomaaliduna ku jirto, ayaa todobaadyadii u dambeeyay waday olole ka dhan ah sidii loo xiri lahaa ilaa iyo 11 baar oo shiishadda lagu cabbo oo ku yaala Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ee dalkan Mareykanka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii laba toddobaad gudahood rabshado iyo gacan ka hadal ka dhacay qaar ka mid goobahan lagu dilay laba wiil oo midi u dhashay Ethiopia kan kalena uu Soomaali ahaa.

Waxaa dilalkan kasii horreeyey rabshado iyo iska horimaadyo dhowr ah oo ka dhacay goobaha lagu cabo shiishadda, oo dhallinyaro badan oo Soomaali ahna ay ku lug lahaayeen.

Dhibka ugu weyn ayaa ah, in dadka qaar ay rumeysan yihiin in cabitaanka shiishadda aysan lahayn wax qatar caafimaad ah oo ay moodaan qudaar ay cabayaan, ayada oo xaqiiqduna ay tahay in halki mar oo la cabo shiishadda ay la mid tahay ayada oo la cabay 200 oo xabo oo sigaar.

Hadaba ololahan ka dhanka ah shiishadda ee ka socda Seattle waxaa warbixintan nooga diyaariyay wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan.

Warbixinta Shiishadda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:09 0:00

XS
SM
MD
LG