Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Denmark: Booliiska oo dhaawacay nin Somali ah


Kartooniste Kurt Westergaard
Kartooniste Kurt Westergaard

Boliska Denmark ayaa dhaawacay nin Somali ah ku hubaysan oo faash iyo midi, kadib markii uu xoog ku galay guriga kartooniste Kurt Westergaard.

Boliiska Denmark ayaa sheegay inay toogteen oo dhaawaceen nin Somali ah oo ku hubaysan faash iyo midi, kadib markii uu xoog ku galay guriga uu dagan yahay kartoonistahaha u dhashay Denmark Kurt Westergaard, oo isagu sawiray sawir-gacmeedyo uu ku muujiyay nabi Maxamed NNKH, sawir-gacmeeyadaasi oo Muslimiinta aduunku ka cadhoodeen.

Bileysku, waxay sheegeen in ninkaasi oo 28-jir ah uu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ninkaasi haystaa deganaanshaha dalka Denmark.

Yahye Cismaan, oo ka mid ah Soomaalida degan Denmark ayaa VOA uga xog-warramay dhacdaasi oo dhacday xalay fiidkii abaarihii 10-kii habeenimo xilliga Denmark.

Ninkan Soomaliga ayaa gudaha u galay guriga kartooniistaha, balse waxaa qeyliyay ganbaleelkii guriga ku xirnaa, waxaana kadiba guriga soo gaaray bileyska. Ninka Soomaaliga ayaa la sheegayaa inuu dagaal kala horyimid bileyska taasoo keentay in la dhaawaco.

XS
SM
MD
LG