Isku xirrada

War

R/W Farmaajo oo Iscasilay


R/W Farmaajo oo Iscasilay

R/W Farmaajo oo Iscasilay

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyt iscasilay.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyt iscasilay.

Ra'iisal wasaare Farmaajo waxa uu iscasilaaddiisa ka gudbiyay xarunta madaxtooyada, halkaasoo uu goob joog ahaa madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ra'iisal Wasaare Farmaajo ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu isu casilay isagoo fulinaya heshiiskii Kampala, isla markaana eegaya marxaladda dalka uu haatan marayo.

Heshiiskii 9-kii bishan ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku kala saxiixdeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu dhigayay in ra'iisal wasaaraha uu iscasilo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isagama maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG