Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deegaanka Kulbiyow oo lagu dagaallamay


Deegaanka Kulbiyow oo lagu dagaallamay
Deegaanka Kulbiyow oo lagu dagaallamay

Dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof ayaa maanta ku dhexmaray deegaanka Kulbiyo, kooxda al-Shabaab iyo tan Raaskambooni.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, dagaal maanta deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose uu ku dhexmaray xoogagga al-Shabaab iyo kuwa Raascambooni.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Kulbiyow ayaa VOA u sheegay in dhinacyadii dagaallamay ay dagaalkaasi kaga dhinteen min afar qof.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan xasiloon, ayna gacanta ugu jirto kooxda Raaskambooni, iyadoo maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka soo qaadday ay dib uga labteen aaggaas.

XS
SM
MD
LG