Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DDG oo Codsatay Siideynta Shaqaallihii laga Afdubtay


DDG oo Codsatay Siideynta Shaqaallihii laga Afdubtay
DDG oo Codsatay Siideynta Shaqaallihii laga Afdubtay

Hay'adda Danishka ah ee miinno-baarista qaabilsan ee DDG ayaa warbaahinta soo marisay baaq ku aadan siideynta labo ka tirsan shaqaallaha oo laga afduubtay magaalada Gaalkacyo.

Labadaasi shaqaalaha ayaa lakala yidhaahdaa Jessica Buchanan oo u dhalatay Maraykanka iyo Dane Poul Hagen Thisted oo u dhashay Denmark..

Xasan Nuur oo ka tirsan hay'adda DRC oo ah hay'adda ay hoos tagto DDG ayaa VOA u sheegay inaysan wax faahfaahin rasmi ah ka hayn meesha lagu hayo ama cidda haysata labadan shaqaalaha, balse wuxuu sheegay in loo malaynayo in lagu hayo meel ka tirsan gobolka Mudug.

Xasan Nur ayaa sheegay inay xiriiro la sameeyeen dadka deeggaanka iyo odoyaasha dhaqanka si gacan ay uga geystaan siideynta labadan shaqaalle.

Odoyaasha deeggaanka ayaa canbaareeyay afduubka shaqaalahan waxayna codsadeen ina sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo.

XS
SM
MD
LG