Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Somalia oo Cambaaraysay Caruurta Ciidamada lagu daro


Dawladda Somalia oo Cambaaraysay Caruurta Ciidamada lagu daro
Dawladda Somalia oo Cambaaraysay Caruurta Ciidamada lagu daro

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in DKMG Somalia ay ballan qaaday inaan caruurta askar la qorin.

Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somalia Maxamaed Cabdulaahi Maxamed ay ku go’antahay in uu dabar jaro caruurta yaryar ee ciidmada la qoro.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta dagaalada ku waxyeelooba Radhika Coomaraswamy ayaa sidaasi ka sheegtay mar ay arabacadii kula kulantay Ra’iisal wasaaraha magaalada Muqdisho.

Waxaanay sheegtay in Ra’iisal wasaaraha Somalia uu ku dhawaaqay in uu xafiis gaar ah oo arrintaasi ka hortaga uu smayn doono. Waxaana uu falalka caruurta looga qayb galinayo dagaalada uu ku tilmaamay falal naxariis darro ah.

Coomaarswamy ayaa ku tilmaantay hadalka Ra’iisal wasaaraha Somaliya tallabo soo dhawaynah oo rajo muujinaysa.

Somalia ayaa ka mid ahayd dalalka ku jira liiska Qaramada Midoobay ee wadamada ay maleeshiyaadka ka dagaalamayaa adeegsadaan caruur yar yar.

Waxaana ergayga Qaramada Midoobay ay tilmaantay in ay ka xuntahay in aanay u suurtagalin in ay la kulanto al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo labduba ay ku jiraan liiksa maleeshiyaadka caruurta u adeegsada dagaalada.

Iyada oo tilmaantay in ay rajaynayso in ay maruun u dhega nuglaadaan baaqyada caalamka uga imanaya isla markaana ay sii daayaan caruiurta ay askar ahaanta u adeegsanayaan.

XS
SM
MD
LG