Isku xirrada

War

Dawladda oo Taageertay Baaqii Maraykanka iyo Britain


Wasiirka Warfaafinta DKMG

Wasiirka Warfaafinta DKMG

Dawladda KMG ah ee Somalia ayaa soo dhawaysay baaqa ka soo yeedhay Maraykanka iyo Britain ee lagu xoojinayo ciidamada nabad ilaalinta.

Wasiirka warfaafinta ee DKMG, Dahir Maxmuud Geelle oo VOAda waraysi siiyay ayaa sheegay in talaabadaasi ay tahay mid ay Somalia u baahantahay,

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in ay soo dhawaynayaan dadaalkasta oo Somalia nabad loogu soo dabaalayo.

Isaga oo ka hadlaya Shirka ay ku baaqday dawladda Britain ee looga hadlayo ammaanka Yemen, wayaa waxaa uu tilmaamay in kooxaha ka dagaalamaya Somalia iyo kuwa Yemen ka dagaalamaya ay isku hadaf yihiin isaga oo tusaale u soo qaatay baaqi dhawaan ka soo yeedhay Al Shabaab ee ay ku taageereen dagaallada Yemen.

Waraysiga wasiirka oo dhamaystiran ka dhegasyo midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG