Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda oo Taageero ka Codsanaysa Caalamka


Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia oo ku sugan New York ayaa sheegay in ay beesha caalamka ka filayaan taageero xooggan.

Yuusuf Xasan Ibraahim ( Yuusuf Dheeg) ayaa VOAda u sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee uu madaxweyne Sh Shariif ku soo qaadan doono khudbadda uu kula hadli doono madaxda caalamka ee ku shirsan New York ay tahay sidii loo taageeri lahaa dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in 23ka bishan September, magaalada New York lagu qaban doono shir Somalia u gaara oo ay ka soo qayb galayaan madaxda ku dhawaad 30 dal, iyada oo uu shirguddoomin doono xoghayha guud ee qaramada midoobay Ban Ki Mon.

Waraysiga wasiirka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG