Isku xirrada

War

Dawladda: Shacabku ha ka Dheeraadaan Dagaalka

  • VOA Somali

Gudoomiyaha G/ Banaadir

Gudoomiyaha G/ Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ka codsaday shacabka in ay iskaga dheeraadaan goobaha ay dagaaladu ka socdaan.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada oo dagaalada u dhexeeya dawladda iyo mucaaradku ay galeen maalintii saddexaad.

Saraakiisha Caafimaadka iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan 4 qof ay dhaawacmeen.

Cali Muuse oo ah madaxa gurmadka deg dega ah ee Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaran 40 qof ay ku dhinteen labadii maalmood ee u dambeeyay oo ay dagaallo socdeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in dagaladu ay ka bilawodeen waqooyiga Muqdisho Arbacadii , waxaanay cirka isku sii shareereen markii ay ku soo biireen ciidamada AMISOM OO Taangiyo watta oo taageeraya ciidamada DKMG.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in ay maqlayeen madaafiic culus oo la is waydaarsanayo.

DKMG ayaa hore u sheegtay in ay bilaabi doonto weerar culus oo ay kula wareegayso maamulka caasimada Muqdisho.



XS
SM
MD
LG