Isku xirrada

War

Dawladda Maraykanka oo la Dagaalamaysa Burcad-badeedda


Dawladda Maraykanka oo la Dagaalamaysa Burcad-badeedda

Dawladda Maraykanka oo la Dagaalamaysa Burcad-badeedda

Xiriiriyaha Xafiiska la dagaalanka burcadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegtay in ay si adag ula dagalamaan burcadda.

Donna Hopkins oo waraysi gaar ah siisay laanta af somaliga ee VOA ayaa sheegtay in ay dawladda maraykanku door wayn ka ciyaarayso dadaalka caalamiga ah ee looga horjeedo burcadda maraakiibta ku qafaalata xeebaha Somalia.

Sidoo kale waxay tilmaantay in uu jiro iskaashi caalami ah oo ku aaddan sidii shirkadaha maraakiibta lagu wacyigalin lahaa siyaabaha ay isakaga difaaci karaan weerarada burcadda.

Xiriiriyaha xafiiska burcad badeedda ee Maraykanka ayaa tilmaantay in ay adkaan doonto in burcadda gabi ahaanba la dabarjaro inta aanay Somalia ka jirin dawlad adag oo sugta ammaanka xeebaha iyo barriga.

Waraysigan oo uu la yeeshay Haaruun Macruuf oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG