Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Maraykanka oo ka Digtay in Qur'aanka la Gubo


Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay Qorshe uu wado Baadari Maraykana oo doonaya in la gubo Kitaabka Quraanka 11ka Bishan September.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay arrin xumaan abuuraysa isla markaana aan ka turjumaynin dhaqanka Maraykanka, Qorashaha uu soo jeediyay Baadari Maraykan ah oo ku nool Gobolka Florida kaasi oo ay isaga iyo taageerayaashiisu donayaan in xuska maalinta 11ka September la gubo Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah.

Wasaardda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in ay ka walaacsantahay halista ay aarrintaasi ku keeni karto nolosha askarta iyo Diplomaasiyiinta iyo weliba dalxiisyaasha Maraykanka ah ee ku sugan dalka Dibaddiisa.

Madaxda Maraykanka ayaa sheegay in Baadariga reer Florida iyo taageerayaashiisu aanay ku xadgudbaynin dastuurka haddii ay gubaan Quraanka, iyada oo ay sida ay sheegeen hadda ka hor dadka ka soo horjeeday dagaalada uu Maraykanku ku jiro ay ku gubeen mudaaharaadiyo ay dhigeen Calanka qaranka Maraykanka.

Hase ahaate Mas’uuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen in ay rajaynayaan in kooxdaasi kaniisdda ku xidhan ay garwaaqsan doonaan halista ka dhalan karta falkaasi ay ku kacayaan, isla markaana ay heli doonaan siyaabo kale oo ay ku muujiyaan cadhadooda iyaga oo aanan ku taalbsan falkan oo keeni kara mudaaharaadiyo Maraykan-nacayb ah iyo falal gacan ka hadal ah oo ka dhaca dacalada dunida.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa war uu Salaasadii ka soo saaray arrintaasi u adeegsaday hadaladii ugu kululaa ee ay mas’uuliyiinta Maraykanku arrintaasi ka yidhaahdaan ilaa imika.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka P.J. Crowley ayaa ku tilmaamay qorshaha uu hindisihiisa lahaa baadari ka tirsan kaniisadaha Gobolka Florida oo lagu magacaabo Terry Jones oo ugu baaqay taageerayaashiisa in ay gubaan kitaabka Qur'aanka Kariimka ah maalinta 11ka Sep, ayaa waxaa uu afhayeenku ku tilmaamay in ay tallabadaasi tahay mid naxli xambaarsan oo aan haboonayn islamarkaana aan looba baahnayn in lagu dhaqaaqo.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay in gusbita kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ay sii hurinayso xagjirnimada.

Isaga oo ku halqabsaday diginiintii uu jeediyay taliyaha ciidanka maraykanka ee ku sugan Afghanistan General David Petraeus oo sheegay in qorshahan ay wadaan Baadiraga iyo kooxdiisu ay marmarsiyo u noqon doonto Propogandaha ay waddo kooxda Taliban.

Mr Crowley ayaa sheegay in ay arrintan yeelan karto saamayntii xumayd ee ay yeesheen sawiradii sanadkii 2006dii la faafiyay ee muujinayay askar maraykan ah oo ku xadgudbaysay dad maxaabiisa ah oo ku jiray xabsiga Abu Ghuraib ee dalka Ciraaq.

Crowley ayaa sheegay in haddiiba ay dhacdo in kooxdaasi ay Qur’aanka gubaan, in uu filayo in ay dadka aduunweynaha ku nooli ay fahmi karaan in waxani aanu ahayn arrin ay oggolyihiin shacbiweynaha Maraykanku isla markaana aan isir ku lahayn dhaqanka suubban iyo wada noolaanshaha diimaha ee waligeedba lagu yiqaanay dadka Maraykanka ah .

Baadariga reer Florida ee keenay hindishan ah in Quraanka la gubo ayaa isagu tilmaamay in uu qorshaha ku darsanyo, dhibta soo gaadhi karta dadka maraykanka ah ee dibadda ku nool hase ahaatee waxaa uu sheegay in isaga iyo taageerayaashiisa ay ka go’antahay in ay gubaan Kitaabka Quraanka ah oo ay dhigayaan bannabaxa u qorshaysan.

XS
SM
MD
LG