Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Puntland oo la Ansixiyay


Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland waxaa maanta lagu ansixiyey Dastuur cusub ee lagu maamulayo Maamul-Goboleedka Puntland.

Ergooyin gaaraya 480 ergo ayaa laga soo xulay deegaannada Puntland si ay ugu coddeeyaan dastuurka cusub.

472 ergo ayaa si aqlabiyad leh u ogolaaday dastuurka cusub, halka lix ergo ay diideen, laba kalena ay ka maqnaayeen goobta codbixinta.

Qodobo ku jira dastuurka cusub waxaa ka mid ah in wakhtiga maamullada soo socda laga dhigo 5 sanno, iyadoo maamulka imika ee Madaxweyne Faroole uu qodobkan saameyn doono isla markaana muddada maamulkan ay noqon doonto 5 sannadood.

Siyaasiga General C/laahi Siciid Samatar oo horena u ahaa wasiirkii amniga ee Maamulka Puntland ayaa ka hor-yimid ansixintan dastuurka, wuxuuna sheegay in ergada ogolaatay ay yihiin kuwo aan matalayn dadka Puntland. C/lahai wuxuu sheegay in aan mar-naba la ogolaan doonin in muddada loo kordhiyo maamulka madaxweyne Faroole.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixinta ansixinta dastuurka iyo wareysiga General C/laahi Siciid Samatar.

XS
SM
MD
LG