Isku xirrada

War

Daraasad la Xiriirta Nolosha Haweenka


Daraasad la Xiriirta Nolosha Haweenka

Daraasad la Xiriirta Nolosha Haweenka

Daraasad ay sameysay hay'adda Thompson Reuters ayaa soo bandhigtay dalalka ugu daran Nolosha Haweenka ee Caalamka.

Dalka Afqaanistaan ayaa noqday waddanka ugu daran ee ay haween kaga noolaadaan waddamada Caalamka.

Daraasaddan oo ay sameysay hay'adda Thompson Reuters Foundation, oo ah garabka samafalka ee wakaaladda wararka ee Reuters oo xarumona ku leh Bridain iyo Maraykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu noqday waddanka Shanaad ee ugu daran adduunka ay haweenku kaga noolaadaan.

Dalalka ka horreeya Soomaaliya ee daraasaddan lagu xusay marka laga reebo Afqaansitaan waxay kala yihiin Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Pakistan, iyo India.

Naadiya Suufi Cabdi oo ka tirsan ururka Daryeelka Haweenka Soomaaliyeed ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho ayaa VOA u sheegtay in Soomaaliya ay tahay halka ugu liidata ee ay haweenku ku noolaadaan caalamka. Waxayna sheeegtay inay Mudnayd inay gasho kaalinta koowaad.

XS
SM
MD
LG