Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Mareykanku Faraha Hakala Boxo Somalia


Warbixin: Mareykanku Faraha Hakala Boxo Somalia
Warbixin: Mareykanku Faraha Hakala Boxo Somalia

Warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Xiriirka Caalamiga ah ee fadhigiisu yahay Washington ayaa ku baaqday inuu Mareykanku faraha kala boxo arrimaha dalka Somalia.

Warbixintan, oo kasoo baxday Golaha Xiriirka Dibadda ee fadhigiisu yahay Washington, ayaa lagu sheegay in fursadda ay ku guuleysan karto DKMG ah ee Somalia ay tahay mid aad u liidata.

Qoraaga warbixintan, Bronwyn Bruton, ayaa ku doodeysa in siyaasadda uu Mareykanku xilligan kula dhaqmo Somalia ay tahay mid aan waxba soo kordhineyn, isla markaana horseedeysa in xagjirnimadu ay kusii badato dalka Somalia.

Bruton waxay tiri: “Inkastoo ay shakhsiyaad wanaagsan ku jiraan DKMG ah, isla markaana ay taageero ka heysato qeyb kamid ah shacabka, fursadda ay ku noqon karto mid leh hey’ado waxtar leh oo taageero badan heysta waa mid daciif ah. Haddii ay Mareykanka iyo beesha caalamkuba sii wadaan taageerada halka dhinac ah ee ay siinayaan DKMG ah, waxay taasi sii cakireysaa is-marin-waaga military ee haatan jira, waxayna noqoneysaa mid qiimo badan ugu kacda Mareykanka, maxaa yeelay waxay dhibaateyneysaa qeybo badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku dhiirri galineysaa qaar kamid ah Soomaalida inay qaataan afkaarta xagjirka ah.”

Warbixinta ayaa ugu baaqeysa Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa inay u ololeeyaan sidii dibu habeyn loogu sameyn lahaa qaab-dhismeedka DKMG ah, loogana dhigi lahaa mid loo dhan yahay.

Bruton, qoraaga warbixintan, ayaa rumeysan inay lagama maarmaan tahay in Mareykanku uu cadaadis kama dambeys ah saaro DKMG ah, si uu uga dhigo mid leh hey’ado maamuli kara Somalia, waxayna soo jeedisay in Somalia, oo ah dal ay qabyaaladi kala irdheysay, in hannaankiisa dowladeed aan laga dhigin mid uu madaxweynuhu awood badan leeyahay.

Bruton oo arrintaas ka hadleysana waxay tiri: "Aniga aragtideyda, hannaanka awoodda badan siinaya madaxweynaha ma ahan mid ku habboon Somalia, maxaa yeelay waxaa jira dhinacyo badan, mana arko inay jiraan hoggaamiyayaal qaran, mana u maleynayo in Somalia ay yeelatay hoggaan qaran 30 illaa 40-kii sano ee ugu dambeeyey. Marka waxaan soo jeedinayaa in yagleelo ra’iisul wasaare khibrad badan leh, iyo gole sare oo hoggaamineed, oo uu ku jiro madaxweyne Sh. Sharif.”

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Africa, Jonnie Carso, ayaa hadal uu dhawaan soo saaray, wuxuu si xooggan u beeniyey warar ay warbaahintu faafisay oo sheegayay in Mareykanku uu kaalin millatari ku yeelanayo howlgal la sheegay in DKMG ah ay ku dooneyso inay dib ugu qabsato caasimadda Muqdisho iyo gobollada kale.

Bronwyn Bruton, khabiirka qortay warbixintan, ayaa soo dhaweysay arrintaas, wareysigii ay siisay VOA-da. “Aad baan ugu farxay makrii uu danjire Carson arrintaas kala caddeeyey. Waxay ila tahay in Soomaalidu ay u baahan tahay inay maqasho arrintaas. Waxaan u maleynayaa inay sax tahay inaan la Mareykaneyn colaadda Somalia. Waana muhiim in Mareykanku uu sidaas caddeeyo.”

Dhanka kale, Bruton ayaa sheegtay in colaadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Erirea ay halis weyn ku heyso xasilloonida gobolka.

Iyadoo taas ka hadleysana waxay tiri: “Si haddii loo fiiriyo, dagaallada Somalia kama marna colaadda u dhaxeysa Eritrea iyo Ethiopia. Khubarada badankoodu way isku raacsan yihiin in Eritrea aanan looga baahneyn inay kusii dhex jirto dagaallada Somalia, ama ay sii taageerto Al-Shabaab. Eritrea waxay dooneysaa inay colaadiso Ethiopia, waana sababta ay malaha u taageereyso Al-Shabaab iyo Xizbul-Islam. Dhanka cunaqabateynta la saaray Eritrea, waxay ila tahay inaan xal diblomaasiyadeed laga maarmi doonin.”

Bronwyn Bruton ayaa sheegtay in Eritrea looga baahan yahay inay kaalin wax ku ool ah, oo dhanka wanaagsan ah ay dariskeeda ka ciyaarto. Waxayse intaas ku dartay in beesha caalamka aan looga maarmin inay hesho hannaan lagu xalliyo muranka ragaadiyey Ethiopia iyo Ertirea. Intaas waxay ku dartay in Mareykankuna uu ku dhiirri galiyo Ethiopia inaysan markale Somalia ciidankeeda u dirin, xitaa haddii xaaladda Muqdisho isbedesho.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG