Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjire Nuur Cadde oo la Kulmay Boqorka Belguim


Danjiraha Somalia ee Midwga Yurub ayaa si rasmi ah waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Boqorka Belguim, Boqor Albert .

Danjire Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cadde ), ayaa magaalada Brussels ee Caasimada Belgium waraaqihii aqoonsiga ee Danjirenimo ugu gudbiyay Boqorka Belguim, Boqor Albert 2.

Boqoraka ayaa qasrigiisa ku qaabilay danjiraha Somalia, waxaanay ka wada hadleen xaaladda Somalia.

Danjire Nuur Cadde oo waraysi siiyay VOA ayaa sheegay in uu la dhacay sida uu Boqorku ula socdo xaaladda Somalia, waxaana uu danjiruhu tilmaamay in Boqorku uu tixgalin siinayay in uu wax badan ka ogaado arrimaha Somalia.

Danjire Nuur Cadde oo ah Safiirka Somalia ee Italy waxaana uu imika si rasmi ah u noqonayaa danjiraha Somalia ee Midawga Yurub.

.

XS
SM
MD
LG