Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka G-8 oo ka shiraya Xaaladda Libya


Dalalka G-8 oo ka shiraya Xaaladda Libya
Dalalka G-8 oo ka shiraya Xaaladda Libya

Wasiirada arrimaha dibedda ee waddamada G8 ayaa Paris ku leh kulan ay uga tashanayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen dalka Libya

Wasiirada arrimaha dibedda ee 8 wadan ee ugu hodansan ee caalamka ee G8 ayaa kulan ku leh magaalada Paris, kaasoo ay kaga arinsanayaan waxyaabaha ka dhacaya dalka Libya iyo jawaabahiii ay ka bixin lahaayeen.

Britain iyo Faransiiska ayaa u ololaynayay in hawada Liibiya laga dhigo mid diyaaradaha ka caagan si ciidamada daacada u ah hogaamiyaha Libya Mucamar Qadaafi looga horistaago in ay duqaymo kale ka gaystaan goobaha ay wali gacanta ku hayaan mucaaradka ku kacsan dawladda Libya

Balse, dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inaysan raali ka ahayn oo uu shaki kaga jiro faa'iidada laga heli karayo in go'aanka

Wakaalada wararka ee maraykanka ee AP ayaa ka soo xigatay wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Guido Westerwelle inuu sheegay in loo baahan yahay in culays dheeraad ah oo dhinaca siyaasada ah la saaro Qadaafi, isagoo sheegay in Jarmalku uusan doonayn inuu faraha la galo dagaal ka dhacaya waqooyiga Africa.

Waddamada Maraykanka, Ruushka iyo Talyaaniga ayaa iguana shaki ka muujiyay in fara gelin milatari lagu sameeyo arrimaha ka dhacaya gudaha dalka Libya.

XS
SM
MD
LG