Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dakhliga Dekedda Muqdisho oo la soo bandhigay


Dakhliga Dekedda Muqdisho oo la soo bandhigay
Dakhliga Dekedda Muqdisho oo la soo bandhigay

Wasiirka Lacagta DKMG C/raxmaan Yariisow ayaa soo bandhigay dakhliga DKMG ka soo galay dekedda Muqdisho Sanadkii 2009 iyo qeybtii hore ee sanadka 2010.

Wasiirka Lacagta ee DKMG Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo si ku meel gaar ah u sii haya xilka wasaaradda maaliyadda ayaa maanta markii ugu horraysay soo bandhigay Dakhliga u soo xerooday DKMG sanadkii iyo tagay iyo sanadkan imika aanu ku jirno.

Wasiirka ayaa sheegay in dakhligii kasoo xerooday dekedda Muqdisho sanadkii 2009ka uu yahay lacag dhan 11,529,563 dollar, halka sanadkan aynu ku jirno ee 2010-ka, laga soo bilaabo bishii January ilaa iyo bisha May 30-keedii ay lacagta dekedda Muqdisho kasoo xerootay ay tahay 5,154,725 dollar.

Eng. Yariisow, wuxuu sheegay in dakhliga soo gala uu yahay mid yar marka loo eego baahida jirta.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Eng Yariisow.

XS
SM
MD
LG