Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo iyo Duqeymo ka Dhacay Muqdisho


Dagaalo iyo Duqeymo ka Dhacay Muqdisho
Dagaalo iyo Duqeymo ka Dhacay Muqdisho

Dagaaladan ka dhacay Muqdisho waxay daba socdaan dagaal habeenimadii Isniinta ciidamada dowladda looga qabsaday saldhig muhiim ah.

Ciidamada dowladda KMG oo ay wehliyaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta dagaal kula galay magaalada Muqdisho maleeshiyada kooxda al-Shabaab.


Dagaaladaasi waxay ka dhaceen degmooyin ka tirsan waqooyiga Muqdisho oo ay ka mid yihiin Shibis, Kaaraan, C/casiis iyo Boondheere. Waxaana dhinacyadii dagaalamayay isu adeegsadeen madaafiic, taasoo ay waxyeelo u geysatay dad rayid ah.


Waxaa la xaqiijiyay in labo qof oo rayid ah ay ku dhinteen xaafadda Garaash Geedoole oo ka tirsan degmada Kaaraan, ka dib markii uu ku habsaday madfac la soo riday.


Madaafiicdii maanta ay Muqdisho isku weydaarsadeen waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo wariye oo u kala shaqeeya Wakaalada wararka ee EPA iyo telefishanka Aljazeera.


Mar kasta oo ay Muqdisho ku dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo kooxda al-Shabaab madaafiicda ay isweydaarsdaan waxaa khasaaraha ugu badan had iyo jeer uu soo gaaraa dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG