Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo dib uga Qarxay Yemen


Dagaalo dib uga Qarxay Yemen
Dagaalo dib uga Qarxay Yemen

Dagaalo ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen dalka Yemen, kuwaasoo dhexmaraya maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamada dowladda.

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay warbixinno sheegaya in ciidamada dowladda Yemen ay dileen inka badan 50 oo mudaaharaad looga soo horjeedo dowladda ka dhigayay magaalada koonfurta dalkaasi ku taalla ee Taciz, Axaddii aynu soo dhaafnay.

Madaxa hay’addaasi Navi Pillay ayaa salaasada maanta ah cambaareeysay awoodda sii xoogeysaneysa ee ay dowladdu u isticmaaleyso dadka dibadbaxa dhigaya, kuna tilmaamtay ficillada ciidanka dowladda “kuwo camaareyn mudan oo dambi ah”iyadoona ku boorisay dowladdu inay hubiso ilaalinta xuquuqda aadamaha ee dadkeeda.

Waxay kaloo kaloo dhalleecayn u jeedisay xoogagga ammaanka qabsasho ay qabsadeen Isbitaal ku yaalla magaalada Taciz, ayna burburiyeen xarun caafimaad oo ku dhowayd goob ay dadka dibad baxaya ku mudaaharaadayeen.

Dhinaca kale, dagaal ayaa ka sii socda magaalada Taciz, mid kalena uu maanta dib uga qarxay caasimadda Yemen ee Sanca, taasoo muujineysa in ay burburtay xabadjoojin u dhaxeysay maleeshiyo beeleedda iyo ciidamada madaxweyne Saalax.

XS
SM
MD
LG