Isku xirrada

War

Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 35-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 35 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeyn maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dagaalladan ayaa bilowday kaddib markii ciidamada DKMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay weerareen fadhiisimo kooxda Al-shabaab ay ku leedahay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley.

Dhawaaqa madaafiicda culus ee laga soo ridayo xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan dhinacyada uu dagaalku dhexmaray.

Saraakiil u hadashay dowllada ayaa sheegay in dagaalka maanta ay ku qabsadeen saddex dhufeys oo ay Shabaabku Howlwadaag kaga sugnaayeen, islamarkaana ay u dhow yihiin demgada Howlwadaag, balse Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay in Dowllada iyo Amisom ay Askar kaga dileen dagaalka maanta dhacay.

XS
SM
MD
LG