Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Ka Dhacay Muqdisho

Dagaallo Ka Dhacay Muqdisho
Dagaallo Ka Dhacay Muqdisho

Ciidamada DKGM iyo ururka Xisbul Islaam ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo galinkii danbe ee shalay ka dhacay dagmada Hodan ee Muqdisho

Dagaaladan oo intooda badan ahaa kuwa goos goos ah ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa ururka xisbul islaam, waxana labada dhinac ay isku adeegsanayeen qaybaha kala duwan ee hubka fudud iyo kan culus intaba.

Dagaalkan oo aan ilaa iminka la hubin khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay ayaa dhanka kale waxaa guulo ka kala sheegtay labada dhinac ee uu u dhaxeeyay .

Shir jaraa'id oo uu qadka taleefanka fiidnimadii xalay saxaafada ugu qabtay af hayeenka dhinaca howl galada ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus ayuu ku sheegay in dagaaladii dhacay ay guulo ka soo hooyeen isla markaan ay ciidamada dowlada uga qabsadeen fariisimo cusub.

Dhinaca kale Afrax Cali Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayay dagaalkii shalay galinkii danbe ka dhacay xaafado ka tirsan dagmada hodan ayaa beeniyay guulaha ay ururka xisbul islaam sheegteen, waxana shir jaraa'id oo uu qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho u qabtay ugu horayn uga warbixiyay inta uu ka ogyahay khasaaraha uu dagaalkaasi sababay .

Xaafadaha ka tirsan dagmada Hodan ee ay shalay dagaaladu ka dhaceen oo ah kuwo dadkii daganaa ay ka qaxeen ayaa waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay isku hor fadhiyay qaybo ka mid ah ciidamada dowlada kmg ah iyo xoogagga ururka xisbul islaam, iyagoo mararka qaarna ay labada dhinac halkaasi ku dhex maraan dagaallo iyo duqaymo xiriir ah iyo kuwa goos goos ah intaba.

XS
SM
MD
LG