Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Dagaallo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada DKMG/AMISOM iyo kooxda Al-shabaab ayaa maanta mar kale ka dhacay degmooyinka Muqdisho

Dagaallo xooggan ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho. kooxda al-shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday fadhiisimada ciidamadda dowladda iyo kuwo AMISOM ee ku yaalla goobihii dhawaan laga qabsaday kooxda Al-shabaab.

Dagaallada maanta ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 6 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu goor danbe qaboobay iyadoo labada dhinacna aysan goobo kala qabsan.

Dowladda KMG iyo ciidamada ay kaashayaan ee AMISOM ayaa khamiistii weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen fadhiisimo ay leeyihiin kooxda al-shabaab waxaa u suurgashay inay qabsadaan dhul baaxad leh oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Weriyaha VOA Muqdisho, Axmed Xasan Colaad oo soo maray dhulkii ay dowladda iyo AMISOM qasbadeen ayaa sheegay in dhulkaasi uu u egyahay lama dagaan, inkastoo dadkii hore u daganaan jiray ay qaarkood bilaabeen inay soo arkaan guryahoodii.

XS
SM
MD
LG