Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay Gobollada Dhexe


Dagaallo ka dhacay Gobollada Dhexe
Dagaallo ka dhacay Gobollada Dhexe

Ugu yaraan 25 qof oo u badan maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhacay bartamaha Somalia.

Ugu yaraan 25 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaallo xooggan oo saaka aroortii ilaa maanta ka dhacayay tuullo lagu magacaabo CEEL LA HELAY oo u dhaxeysa magaalada Dhuuse Mareeb iyo degmada Ceelbuur ee bartamaha Somalia.

Dagaalladan oo u dhaxeeyay maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ayaa ka bilowday kaddib markii maleeshiyada Ahlu Sunna ay duqeyn iyo weeraro la beegsadeen deegaanka GOD-DHURWAA oo qiyaastii 40 km dhinaca barri kaga toosan magaalada Dhuuse-mareeb, halkaasoo fadhiisin u ahayd maleeshiyada Al-shabaab.

Iyadoo ay adag tahay in warar faahfaahsan laga helo goobaha dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ee u dhaliyay , ayaa haddana warar kale duwan oo ay VOA-du helayso ay sheegayaan in tiro maydad ah iyo tiro dhaawacyo ahba oo ka tirsan labada dhinac la gaarsiiyay deegaanka Wabxo, CeelBuur iyo Dhuusa-Mareeb.

Wararka ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu haatan yara qabowday, inkastoo la maqlayo mar-marka qaar, dhawaaqyada madaafiic ay labada dhinac isku tuurayaaan.

XS
SM
MD
LG