Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Galguduud


Dagaallo ka Dhacay Galguduud
Dagaallo ka Dhacay Galguduud

Odayaasha labo beelood oo shalay dagaalantay gobolka Galguduud ayaa sheegey in dagaalkii iskii u joogsaday.

Dagaalka inkastoo uusan haatan socon waxaa uu ka dhacay deegaano u dhexeeya Camaara iyo Bacaadweyn, xiisada iyo kala shakiga labada beelood ee dirirtu dhexmartay waa mid taagan, maadaama ay weli is horfadhiyaan maleeshiyooyinkii diriray.

Maxamed Cabdi Aadan oo ka tirsan odayaasha deegaanka Camaara oo VOA u warramay ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inaanu jirin wax weyn oo dhexmari kara labada beelood oo aan ka ahayn deegaano lagu murmo. Arrintaasoo uu sheegay inay weligeed oo soo taagneyd.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee labada beelood ee kala dega deegaanada Camaara iyo Bacaadweye waxa uu dhacay maalintii Khamiista ahayd kaasoo dhaliyay khasaare naf iyo hantiba leh. Dad badan oo rayid ah ayaana ku barakacay.

Cabdi Maxamuud Weheliye oo ku sugan deegaanka Bacaadweyne ayaa VOA u warramay ayaa dhinaca kale ku eedeeyay maleeshiyooyinkooda inay soo weerareen deegaan ay iyagu deganaayeen.

Waxana uu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux labada dhinac.

Deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne oo isu jira qiyaastii 6km ayaa kala hoostaga maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Gal-Mudug.

Isu dhowaanshahaasi darteed iyo iyadoo aan jirin dadaal lagu kala dhexgalayo labada dhinac maleeshiyooyinkuna ay isu muuqdaan ayaa keentay in weli laga cabsi qabo dagaal inuu mar kale ka dhex dhaco labada dhinac.

Hase yeeshee C/laahi Maxamed Dhoore oo ka mid ah odayaasha beesha degta deegaanka Camaara ayaa ku baaqay in colaada la dhammeeyo.

XS
SM
MD
LG