Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay Deegaanka Galgala


Dagaallo ka dhacay Deegaanka Galgala
Dagaallo ka dhacay Deegaanka Galgala

Dagaallo xooggan ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka dhaceen deegaanka Buuralayda Galgala ee maamulka Puntland

Dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa in maanta ay dhexmareen ciidamada Puntland iyo maleeshiyada uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay dhulka buuraha sare ee deegaanka Galgala. Warar ku dhow dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay saaka weerar ku qaadeen fadhiisimo ay degan yihiin maleeshiyada Sheekh Attam.

Ilaa haatan ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladaasi ka dhacay, waxaase warar laga helayo cisbitaalka Boosaaso uu sheegayaa in cisbitaalkaasi la keenay mid ka mid ah ciidamada Puntland oo dhaawac uu soo gaadhay.

Deegaanka Galgala ayaa xasillooneyd maalmihii u danbeeyay. Sheekh Attam oo dagaal kula jira maamulka Puntland ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay la galayaan ciidamada Puntland, iyadoo maamulka madaxweyne Faroole ay iyaguna sheegeen inay ka masixi doonaan guud ahaa maleeshiyada Sheekh Attam deegaannada Puntland.

XS
SM
MD
LG