Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay Degmada Buuhoodle


Dagaallo dhexmaray ciidamo Ethiopian ah iyo dadka degan Buuhoodle oo maanta dhacay ayaa la sheegaya inay ku dhinteen in kabadan 10 qof.

Dagaalkani oo galabnimadii maanta bilaabmay ayaa waxa uu u dhexeeyey ciidamo Ethiopian ah oo iyagu in muddo ahba joogay Buuhoodle iyo agagaarkeeda iyo dadka shacabka ah ee reer Buuhoodle .

Ciidamada Ethiopiaanka ee Buhoodle yimid ayaa sida dadka deegaanku ku warramayaa waxay qabsadeen baabuurtii dadweynaha ,waxana ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan dadka hubeysan ee Buuhoodle ku sugan.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dagaalku bilowday kadib makrii ay ciidamada Ethiopia xidheen xuduudda iyadoo sida dad goobjoogayaasha ah ay idaacaddan VOA u sheegeen ay ciidamada Ethiopian ay hakiyeen baabuurta gaadiidka ah ee gelaya iyo kuwa ka soo baxaya gobolka ismaamulka Soomaalida ah ee dalka Ethiopia.

Wararku waxay sheegayaan in tirada dadka ku dhintay Buuhoodle ay gaadhayso in ka badan 10 qof, iyadoo ilaa haatan aan la hayn tirada dadka ku dhaawacmay. Warar kale ayaa iyaguna xaqiijiyay inay jirto askar Ethiopian ah oo dagaalkaasi ku dhimatay.

XS
SM
MD
LG