Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Culus oo Muqdisho ka Socda


Dagaallo Culus oo Muqdisho ka Socda
Dagaallo Culus oo Muqdisho ka Socda

Dagaallo culus oo ay DFKM ku qaaday xoogagga A-lshabaab ayaa maalintii labaad ka socda Magaaladda Muqdisho.

Dagaallo xoog badan ayaa maanta aroortii ka bilowday magaalada Muqdisho. Dagaaladan oo xooggooda ay qaadeen ciidamada DFKM ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ayaa si xawli ah u socda, waxayna ciidamadda DFKM ay qabsadeen xaruntii nabad-sugidda iyo xeradii gaadiidka booliiska oo ay u horay u haysteen ciidamada Al-shabab.

Illaa hadda dagaaladu way socdaan, waxaana goobta dagaalka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan DFKM oo uu hogaaminayo Madaxweyne Sherif oo xiran dirayska ciidanka.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan ilaa hadda la ogeyn, laakiin waxa jira xaalado dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wixii warar ah ee dagaaladan kusoo kordha, waxaan idinku soo gudbin doonnaa barnaamijyada idaacadda iyo website-ka VOAda.

XS
SM
MD
LG