Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Culus oo ka dhacay Muqdisho


Dagaallo Culus oo ka dhacay Muqdisho
Dagaallo Culus oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, 49-kalana way ku dhaawacmeen dagaallo xooggan oo ka dhacay qaar ka tirsan xaafaddaha Muqdisho.

Dagaalladan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa intooda badan waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Boodheere.

Dagaalladan waxaa bar-bar socday madaafiic sidoo kale ku dhacayay xaafadaha qaarkood.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen Cali Muuse Madaxa gaadiidka gurmadka Muqdisho ayaa sheegay in dagaallada maanta ay ku bad-naayeen Suuqa Bakaaraha, N4 iyo qeybo kale oo magaalada ka tirsan. Cali Muuse wuxuu sheegay in 49 qof oo dhaawac ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruurba ay u qaadeen isbitaalada Muqdisho.

Dagaalladan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee dhaca tan iyo markii ay bisha Ramadan bilaabatay, iyadoo kooxaha mucaaradku ay wacad ku mareen inay kordhin doonaan dagaallada inta lagu jiro bisha Ramadan.

XS
SM
MD
LG