Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Muqdisho oo Galey Maalintii Lixaad


Dagaallada Muqdisho oo Galey Maalintii Lixaad
Dagaallada Muqdisho oo Galey Maalintii Lixaad

Xoogagga mucaaradka ayaa ku soo dhawaadey waddo muhiim u ah Dowlada iyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee Muqdisho ku sugan

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalintii lixaad ka socda dagaallo iyo duqeyn u dhaxeysa Ciidamada dowladda oo ay gacan siinayaa kuwa AMISOM iyo kooxa Mucaaradka ee ka soo horjeeda.

Wadada Maka Al-lmukarama oo halbowlle u aheyd dowladda KMG ah iyo Ciidamada nabad illaalinta AMISOM ka sakow adeegyada guud ee magaalada ayaa maanta xanniban kadib markii dowladda kmg ah ay soo dhoobtay Ciidao fara badan, taa oo ka danbeysay markii ururka Al-shabab ay galinkii danbe ee shalay la wareegeen fariisin ay deegaanka Siigaale kula haayeen Maleeshiyada Ahlu Sunna islamarkaana ay waxyar uun u jiraan wadadasi iyadoo arintaani ay culus weyn ku keentay dowladda KMG ah ee soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka warramaya culeyska ay Kooxaha mucaaradka soo saareen Wadadda Maka –Al-mukarama

XS
SM
MD
LG