Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Muqdisho iyo Beled-xaawo


Dagaallada Muqdisho iyo Beled-xaawo
Dagaallada Muqdisho iyo Beled-xaawo

Ku dhowaad 40 qof ayaa ku dhimatay dagaallo maalintii saddexaad ka dhacay Muqdisho iyo Beled Xaawo. Labada Dhinac ayaa guullo kala sheegtay

Ku dhowaad 40 ruux oo isugu jira kooxaha dagaallamaya ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallo culus oo ka dhacay Muqdisho iyo Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Dowladda Somalia, Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay dagaallada isagoo sheegay in ciidamadiisu ay guullo gaareen. Kooxda Al-Shabaab waxay iyaguna sheegteen inay iska caabiyeen weeraro uga yimid dhinaca ciidamada dowladda.

Dagaalladan Beledxaawo oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljamaaca oo isku dhinac ah iyo kooxda al-Shabaab.

Dagaaladan ayaa saakay waaberigii ku bilowday madaafiic xoogan oo lagu soo garaacay magaalada oo inta badan dadkii ku dhaqnaa ay u carareen magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandhera.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamo Ethiopian ah oo gadaal ka kaabayay ciidamada dowladda ku meel gaarka ah inkastoo saraakiisha dowladda ay beeniyeen ku lug lahaanshaha ciidamo Ethiopian ah dagaaladaasi

Goob joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in ay jiraan guryo ku gubanaya degmada Beled-Xaawo.

Dhowaqa rasaasta iyo daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay heegan gelisay ciidamadeeda xuduudda ilaaliya.

XS
SM
MD
LG