Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Mudug oo Dhimasho Badan Keenay


Dagaallada Mudug oo Dhimasho Badan Keenay
Dagaallada Mudug oo Dhimasho Badan Keenay

Wararka ka imanaya Gobolka Mudug waxay sheegayaan in maanta ay mar kale qarxeen dagaalo culus oo u dhexeeya beelaha kasoo kala jeeda Maamullada Galmudug iyo Ximin & Xeeb.

Dagaalladan oo ku salaysan muran la xiriirra daaqsin ayaa xooggoodu ka dhaceen degaanka Dhegtuur oo 100 KM Koonfurta ka xiga magaalada Gaalkacayo.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay inay labada dhinacba kaga dhinteen dagaalladan maanta dhacay halka ku dhowaad 30 kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa socda dadaallo ka jira Muqdishu iyo Gobollada Dhexe oo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadda. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu ayaa ugu baaqay labada beelood ee dagaalamaya inay degdeg u joojiyaan dagaalka.


Sidoo kale waxaa Muqdishu ku shiray waxgarad iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in colaadda la kala dhexgalo.

Warbixintan oo dhammaystiran hoos ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG