Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Caasimadda Muqdisho


Tan iyo billowgii bishan, dagaallo maalinle ah oo ay hurinayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda adduunku aqoonsan yahay, ayaa ka dhacayay caasimadda Muqdisho.

Tan iyo billowgii bishan, dagaallo maalinle ah oo ay hurinayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda adduunku aqoonsan yahay, ayaa ka dhacayay caasimadda Muqdisho, iyadoo ay dagaalladaasina inta badana ka dhacayaan goobo kooban oo ay dowladdaasi ka taliso.

Barriga marka laga yimaaddo, badaha Somalia-na waxaa bishan gudaheeda lasii daayay dhowr markab oo la afduubay, kaddib markii ay bixiyeen lacag madax furasho ah. Laakiin waxaa isla bishan la afduubay markab kale, iyadoo xitaa la kordhiyey ilaalada caalamiga ah ee gaaf-wareegeysa xeebaha ku teedsan Somalia.

Max’ed Zayed, waa qandaraasle xagga ammaanka ah oo ka howlgala Somalia ayaa yiri: “Waxaan isku soo hadal-qaadnay in shirkaduhu ay xoojiyaan ilaalada la saaray omaraakiibta, arrintaas oo aan is-leeyahay waa muhiiim. Taariikhda marka la eego, boqollaal sano kahor, maraakiibtu waa is-hubeyn jireen, si ay isaga waabiyaan falalka burcad-badeenimada ah. Laakiin dhowrkii boqol ee sano ee lasoo dhaafay, ma jirin burcad-badeednimo intaas le’eg.”

Zayed, iyo shirkadda Mareykanka ah ee uu u shaqeeyo, oo la yiraahdo Phoenix International, waxay gacan ka geysanayaan tababaridda hey’adaha sirdoonka iyo kuwa ammaanka ee dowladda Somalia. Zayed wuxuu sheegay in xoojinta hey’adaha ammaanka ee dowladda KMG ah ay tahay sida ugu wanaagsan ee Somalia dib loogu soo celin karo xasilloonideedii.

Zayed wuxuu kaloo sheegay inuu kalsooni ku qabo hoggaanka dowladda Somalia, haba ahaadeen kuwa qarka saaran, isla markaana kuwa hoggaamin jiray kooxo Islaamiyiin ah, oo mar dagaal kula jiray dowlad ay Reer Galbeedku taageeraan Zayed wuxuu yiri: “Wasiirrada ugu sarreeya dowladda, madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo ku xigeennadiisa, iyo dhammaan wasiirrada muhiimka ah waa dad lagu tashan karo oo wanaagsan. Qaar badan oo kamid waa macallimiin. Ma ahan rag millatari oo macangag ah. Waa professarro iyo macallimiin. Hal mid ayaan kuu ballan qaadi karaa: tani waa fursadda ugu wanaagsan ee dowlad KMG ah soo marta muddo 20 sano ka badan, sidii ay u xasilin laheyd Somalia.”

Laakiin Benedict Goderiaux, oo ah khabiir ku takhasusay colaadaha hubeysan ee Africa, kana tirsan hey’ada Amnesty International ee fadhigeedu yahay London, ayaa arka dhibaatooyin ka badan ka dhex arka taageerada ay beesha caalamka siiso DKMG ah, Goderiaux waxay tiri: “Taageeradu waa hagaag, haddii aan lagu gabood-faleyn xuquuqda aadanaha dad rayidka ah ee Somalia.”

Goderiaux ayaa walaac ka muujisay tababarka aan baraxa-tirneyn ee ciidanka dowladda KMG ah lagu siiyo dalalka dariska ah, ayna bixiyaan qandaraaslayaal. Waxay kaloo ka digtay in hubka lasiiyo dowladda Somalia uu gacanta u gali karo kooxo aan loogu tala galin.

Waxayna intaas ku dartay in ciidanka dowladda KMG ah loo kuur-galo, oo lala xisaabtamo, Goderiaux waxay tiri: “Dhaqaalaha iyo hubka la siinayo dowlad ay ciidankeedu horey u geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaa ka iman karta in beesha caalamku ay lug ku yeelato gabood-falladaas. Waxaan jeclaan laheyn in beesha caalamku aaney bilaa su’aal taageeradeeda iska bixin. Tusaale ahaan, marka ay dad rayid ah ku dhintaan madaafiic Muqdisho ka dhacday, arrintaas oo dhaceysay dhworkii toddobaad ee lasoo dhaafay, waxay ila tahay in beesha caalamku ay DKMG ah weydiiso arrintaas.”

Kooxda ugu tunka weyn kooxaha fallaagada ku ah dowladda Somalia waa Al-Shabaab, waxaana la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay Al-Qaacida, xiriirkaas oo walaac ku beeray beesha caalamka, oo iyadu ka walaacsan in Somalia ay gabbaad u noqoto xag-jirayaasha.

Khubarada Somalia ayaa soo jeedanaya in si dheelli-tiran loo abbaaro walaaca laga qabo argagixisada, iyo badbaadada rayidka, si looga waabto colaad aan dhammaad leheyn iyo dal goor walba fashilma.

XS
SM
MD
LG