Isku xirrada

Dood: Dagaalka Fikirka ee Somalia


Qariiradda Soomaaliya

Qariiradda Soomaaliya

Dagaalka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabab kuma salaysna oo keliya in la kala qabsado gobollo iyo magaalooyin, balse sidoo kale waa dagaal ku salaysan fikrika.

Dagaalka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabab kuma salaysna oo keliya in la kala qabsado gobollo iyo magaalooyin cusub, balse sidoo kale waa dagaal ku salaysan aydiyoolajiyada ama fikrika, masiirka waddanka, joogitaanka ciidamada ajaanibta ah ee waddanka iyo u tartanka qalbiga iyo kalsoonida shacabka.

Dhinaca turjumaadda diinta marka ay noqoto Al-Shabab waxa lagu eedeeyaa inay diinta si qalad ah u turjumaan.

Haddaba dooddan gaarka ah ee aan idiin hayno maanta oo aan idiinku beddelnay Dooddii Gaabnayd waxay dhexmaratyay Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo ka tirsan saraakiisha ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Gobolka Gedo iyo Sheekh Maxamed Cismnaan Caruus oo horey af-hayeenka ururkii Xisbul Islam oo markii dambena ku biiray ururka Al-Shabab.

Hadalka waxa u qaybinaya Haaruun Macruuf ee nala dhageyso.

XS
SM
MD
LG