Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalada Muqdisho oo galay maalintii 15aad


Mid ka mid ah waddooyinka lagu dagaallamay oo haawaneysa.
Mid ka mid ah waddooyinka lagu dagaallamay oo haawaneysa.

Tan iyo intii ay bilowdeen dagaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad gaaraya 100 ruux, inka badan 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.

Iyadoo dagaalada Muqdisho ay maanta galeen maalintii 15aad ayaa waxaa maanta ay dagaalo goos goos ahi ka dhaceen qeybo ka tirsan degmada Hodan.

Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo maleeshiyo ka soo horjeedda ayaa xooggoodu waxay ka dhaceen deegaanka Siigaale ee degmada Hodan.

Ilaha laga helayo saraakiisha caafimaadku waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay dagaalka 9 kalena ay ku dhawacmeen.

Dagaaladan ayaa waxay socdaan maalintii 15aad, tan iyo markii kooxda al-Shabaab ay ku dhowaaqday inay duulaan ballaaran ku qaadeyso dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalkaasi oo ay kooxda al-Shabaab ugu magacdartay “Dhammaadka kuwii Soo Xadgudbay” ayaan laga gaarin wax natiijo ah, hase yeeshee khasaaraha ugu badan ay soo gaareen dadka rayidka ah.
Dad ka badan 100 ruux ayaa la sheegay in dagaaladaasi ay ku dhinteen, inka badan 300 oo kalena ay ku dhawacmeen.

XS
SM
MD
LG