Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Xudur


Ugu yaraan 17 Qof ayaa ku dhimatay tira kalena wey ku dhaawacmeen dagaal duleedka degmada Xudur ku dhex maray ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Ethiopia iyo kooxda Al-shabab .

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo la yirahdo Abaq- Gedey oo 18 km u jirta Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka bakool .

Dagaallka ayaa bilowday markii ciidmada dowladda iyo kuwa Ethiopianka ah ay weerar ku qaadeen fariisin ay tuurladaasi ku laheyd kooxda alshabab.

Xildhiban Maxamed Mashruuc oo ka tirsan saraakiisha dowladda ee ku sugan Xuduer ayaa VOAda u sheegay in dagaalka ay ku dileen 17 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabab isla markaana sadex askari oo kuwa dowladda ah lagu dhaawacay.

Ma jiran warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada sarkaalkaasi ka tirsan dowladda.

XS
SM
MD
LG