Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Culus oo Dib Uga Qarxay South Sudan


South Sudan
South Sudan

Dagaal culus ayaa maanta dib uga qarxay caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, saacado kadib markii Golaha Ammaanka ee QM uu ugu baaqay hogaamiyayaasha dalkaas inay xakameeyaan ciidamada iska soo horjeeda, kuna hanjabay in waxyeelo soo gaarta shaqaalaha iyo xarumaha QM ay dhalin doonto dambiyo dagaal.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa ruxay caasimadda Juba, ayada oo dagaalka uu galay maalintii shanaad kadib degenaansho jirtay saacado yar xalay.

Safiirka Japan ee QM Koro Bessho oo ah madaxweynaha iminka ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid halis ah, ayada oo la dilay askari ka tirsan nabad ilaaliyayaasha oo kasoo jeeda dalka China, halka dhowr ka yimid dalka Rwanda la dhaawacay.

Illaa iyo hadda ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka, waxaana sidoo kale la ogeyn in ciidamada madaxweyne Silva Kiir iyo kuwa raacsan ku xigeenkiisa Riek Machar ay qaadan doonaan dalabyada QM.

Warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa ku warramay in illaa 276 qof ay ku dhinteen rabashadaha, halka afhayeenka Machar uu sheegay in ugu yaraan 150 qof lagu dilay dagaalada.

XS
SM
MD
LG