Isku xirrada

Dagaal Culus oo ka Dhacay Caabud Waaq


Baabuur dagaal

Baabuur dagaal

Ilaa iyo 8 qof ayaa ku dhimatey dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo maalintii labaad ka socda magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo 8 qof ayaa ku dhimatey dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo maalintii labaad ka dhacay magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa billowdey kadib markii uu dhawaan halkaas tegey mid ka mida wasiirada maamulka Galmudug.

Maleeshiyaadka Ahlu-Sunna oo iyagu magaalada inteeda badan gacanta ku haya, ayaa waxa ay isku dheceen maleeshiyo beeleed taageersan wasiirka.

Wasiirka ganacsiga Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame oo dagaalka uu gurigiisa ka billowdey ayaa ku eedeeyey maleeshiyaadka Ahlu-Sunna in ay dagaalka iyagu soo qaadeen markii hore.

Dhanka kalene, Ahlu-Sunna ayaa iyana ku eedeeyey in ilaalada wasiirka ay xabada billaabeen.

Dadka ka agdhawaa goobaha lagu dagaalamey ayaa billaabey in ay barakacaan, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka magaaladana ay billaabeen in ay nabad ka dhex raadiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Falastin Axmed Iiman ka wareysatey Mahad Xasan Diini oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Universal kuna sugan magaalada Caabud-Waaq.

XS
SM
MD
LG