Isku xirrada

War

Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

  • VOA Somali

Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Dagaallo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Dhuusemareeb ee gobolka Galgaduud kasoo dhexmaray maleeshiyooyinka kooxda al-Shabaab iyo ururka Ahlu-sunna Wal Jamaaca.

Dagaalladan ayaa bilowday kaddib markii maleeshiyada kooxda al-Shabaab ay weerar xooggan magaalada maanta ku soo qaaday.

Kooxda al-Shabaab ayay u suurtogashay inay magaalada qabsato muddo kooban, balse maleeshiyada Ahlu-Sunna ayaa waxaa la sheegayaa inay magaalada ka saareen kooxda maleeshiyada al-Shabaab.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalladan maanta.

Weriyaha VOA ee bartamaha Somalia, Xuseen Xassan Dhaqane ayaa ku soo warrmaya in dagaalku maanta ka dhacay Dhuuse-mareeb uu ahaa kii ugu xoogga badbnaa ee magaalada soo mara wixii ka danbeeyay bishii Janaayo ee 2010, xilligaas oo magaalada uu ka dhacay dagaal ay dhinteen tiro ka badan 150 qof oo ka ka tirsanaa labada dhinac.

XS
SM
MD
LG