Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Dagaalkan ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan waxaa lagu soo warramayaa in dad rayid ihi ay ku dhinteen.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa laysu adeegsaday madaafiic culus, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 5 ruux oo la sheegay dhammaantood inay ahaayeen dad rayid ah.

Muqdisho ayaa maalmahan laga dareemayay xasillooni, balse dagaal kasta oo dib u soo cusboonaada waxa uu khasaaraha ugu ballaaran soo gaarsiinayaa dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG