Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Duleedka Buuhoodle


Dagaal ka Dhacay Duleedka Buuhoodle
Dagaal ka Dhacay Duleedka Buuhoodle

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo deeggaanka ah ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalad Buuhoodle.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah iyo sababta keentay in dagaalku qarxo, balse warar ayaa sheegaya in dagaalku bilwoday kaddib markii wafdi ka socda maamulka Khaatumo ee dhawaan lagu dhisay Taleex ay soo gaareen magaalada Buuhoodle.

Dagaalkan oo bilowday 3-dii galabnimo xilliga Geeska Afrika ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhaliyay dhimasho ku timid dhinacyada dagaallamay, waxaana jira dhaawac la gaadhsiiyay cusbitaalka magaalada Buuhoodle.

Dhageyso wareysi weriye madax bannaan oo ku sugan gudaha Buuhoodle.

XS
SM
MD
LG