Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose


Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose
Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose

Dagaal xooggan ayaa saakay ka dhacay degaanka Xayo oo u dhaxeeya xooqaani iyo Taabto ee gobolka Jubadda hoose.

Saraakiisha kooxda Al-shabab ayaa sheegay ineey weerar ay waaberigii saakay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degaankaasi ay kula wareegeen.

Saraakiisha DKM gaarka ah ayaa iyana sheegay in weerarkaasi ay Al-shabab ku soo qaaday ay iska caabiyeen gaadiid dagaalna ay ku qabsadeen.

Isgaarsiinta ayaa degaankaasi in mudda ah hawada ka maqneyd waxaana yar faahfaahinta ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Gobollada Jubbooyinka ayaa marka laga reebo degmada dhoobley iyo dhoor degaan oo ku teedsan badda waxaa intooda badan gacanta ku haya Al-Shabaab.

Ciidamada Milatariga Kenya ayaa sidoo kale ku sugan gobolka si eey ula dagaalamaan Alshabab.

Faahfaahinta warkaasi halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG