Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Hinda Xaaji Oo Lagu Aasay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Hinda Xaaji Maxamed ayaa geeriyootay shalay kadib qarax bambaano oo loogu xiray baaburkeeda.

Wariye Hinda Xaaji Maxamed oo shalay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax bambaano oo loogu xiray baaburkeeda, ayaa maanta magaalada Muqdisho lagu la aasay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Weriye Hinda Xaaji.

Aaska wariyaha waxaa ka soo qaybgalay dad kale duwan oo ay ku jireen madax ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hinda ayaa u shaqeynaysay warbaahinta dowladda Somalia, waxaana horey uga geeriyooday seygeedii wariye Liibaan Cali Nuur oo isagana lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho 2012.

XS
SM
MD
LG