Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Beledweyne


Dagaalka ayaa dhexmaray maleeshiyada al-shabaab iyo maleeshiyo kale oo iyana la sheegay inay ka tirsanaayeen maamulka Dooxda Shabeelle.

Dagaal xooggan ayaa maanta duleedka Bari ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhexmaray maalishiyada kooxda al-Shabaab ee gacanta ku haysa Beledweyne iyo maleeshiyaad kale oo weerar ku soo qaaday.

Ilo xog ogaal ihi waxay sheegayaan in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin maamulka Dooxada Shabeelle oo bishii hore looga dhowaaqay deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

Inka badan 10 ruux oo labada dhinac ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, tiro intaa ka badanna waxaa la sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen.

Kooxda al-Shabaab ayaa garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro ee iskuulka xaafadda Xaawo Taako soo dhigtay maydadka 10 ruux oo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dagaalkaasi ka dhacay duleedka Beledweyne ayaa la sheegay inuu soo gaaray xaafadaha dhanka Bari ee magaalada Beledweyne, taasoo keentay inay saacado gooban ay xirmaan goobihii ganacsiga dadkuna ay baqdin la soo gudboonaatay.

Xaaladda ayaa iminka xasiloon ka dib markii maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay dib uga baxeen dagaalka.

Weli ma jirto wax hadal ah oo uu dagaalkaasi ka soo saaray maamulka Dooxda Shabeelle. Mar aan isku daynay inaan la xiriinona waa ay noo suurtogeli weyday.

XS
SM
MD
LG