Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo iyo Duqeyn ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, 17 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo iyo madaafiic culus oo maanta ku dhacay xaafado ka tirsan dagmada hodan ee gobolka Benaadi

Iska hor imaadyadan iyo madaafiicdan oo u dhaxeeya kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda ay maanta barqadii dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dagmada Hodan gaar ahaan wadada tarbuunka halkaasoo ay isku fara saareen iyaga iyo kooxaha ka soo hor jeeda

qaar ka mid ah madaafiicdii ayaa ku dhacay gudaha suuqa bakaaraha halkaasoo ah goobta ugu badan ee ay dhimashada iyo dhaawucuba ka dhaceen , waxana dadka dhaawacmay howlo gurmad ah u fidiyay howl wadeenada ambalaasyada gurmadka ee magaalada Muqdisho

Cali Muuse oo ka tirsan masuuliyiinta ambalaasyada gurmadka ayaa VOA u sheegay in 17-ka qof ee dhaawacmay 7 ka mid ah yihiin shaqaalaha shirkada xawaalada Dahabshiil oo uu madfac ku habsaday.

Dagaalka iyo madaafiicda ayaa iskood u qaboobay salaadii duhur kadib, mana jiraan ilaa iminka wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay, dagaalkii maanta ayaa hakad galiyay gabi ahaanba isu socodkii gaadiidka isaga kala gooshayay suuqa bakaaraha iyo qaybaha kale ee xaafadaha magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG